Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur oo 4 arrin oo ka yaabisay ka sheegay shirkii golaha wasiirada shalay ee Farmaajo ka qeyb-galay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa aad u dhaliilay shirkii golaha wasiirada Soomaaliya ee uu shalay ka qeyb-galay madaxweyne Farmaajo, isaga oo sheegay dhowr qodob oo uu shirka ku dhaliilayo. Hoos ka aqriso qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook.

Waxaa haboonayd babdhigii dhoolatuska ahaa ee ay maanta Madaxweynaha iyo RW soo badhigeen in Baarlamaanka laga horjeediyo ama warbaahinta madaxa banaan lagu casuumo si ay su’aalo uga waydiiyaan waxa ka run ah.

Waxaan la yaabay xasilooni siyaasaded ee laga hadlayo, laakiin la soo hadal qaadaynin xiriirka sii xumaanaya ee Dawlada Federaalka ah iyo Dawlad Goboleedyada iyo in aysanba xisaabtaba ku jirin wadahadalkii Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxaan la yaabay siyaasada Geeska Afrika oo laga hadlayo, balse aan la soo hadalqaadin gees gelinta lagu hayo dawlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Waxaa lagu celceliyey cid khalad loo cafaniyo ma lahan, welina lagama cudur daaran gaboodfalkii taariikhiiga ahaa ee Mudane Qalbidhagax lagu gacan geliyey, lagamana xisaabtamin weerarka 17 December hoygayga hogaamiyaha Xisbiga Wadajir lagu qaaday, shan askari lagu dilay, kabahana lagu aasay.

Amnigii waa hagagaagay ciidankii dhismihisii meel fiican ayuu marayaa baa la yiri, waxaanse wada ogsoon yahay in sanadkii la soon dhaafay dadkii ugu badnaa Alshabaab naga dileen, weeraradii ugu badnaana geysteen, Madaxweynaha uu dhulka mari waayey oo uu Marka diyaarad ku tegay, taangi AMISOM na ku dhexjiray, RW uu sidoo kale Jowhar diyaarad ku tegey, oo jidka Balcad mari waayey, sedexdii bil ee kasta taliyayaasha ciidanka la bedelo, shacabkii wadooyinka laga xirayo, ganacsatadii canshuur dheeri ah iyo amni xumo ka cabanayaan.

Markaan arkay riyaawada maanta lagala baqay in lagu hordhigo Golaha Shacabka ama warbaahinta madaxa banaan waxaan soo xasuustay Allaha u naxariistee oraahdiii uu waxa caynkaan ah ka oran jiray Prof Saciid Samatar ee ahayd

“Shimbarayahow Heesa”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this