Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Kenya oo dilay saddex wiil oo walaalo ah, waalidkoodna dhaawacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Kenya ayaa maanta saddex wiil oo walaalo ah ku dilay goblka Gedo xilli ay aad uga carreysnaayeen qarax miino oo la rumeysan yahay in maleeshiyada Al-Shabaab ay la beegsadeen.

Dhacdadan ayaa ka dhacday tuullada Barmiil ee deegaanka Geriley oo 8 KM u jira xuduudda Kenya, gaar ahaan gobolka Wajeer, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada Kenya ay soo galeen xaafadda kadibna ay mar qura toogteen saddexda wiil ee walaalaha ah, oo ahaa caruur. Waxa ay sidoo kale dhaawaceen afar qof oo kale.

Falkan ayaa yimid kadib markii mid ka mid ah baabuurtooda milatariga lala helay qarax miino oo isla xaafadda ka dhacay.

Carruunta ay laayeen ciidamada Kenya ayaa xiliga la dilayay waxay la joogeen awoowgood iyo iyo ayeeyadooda oo ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay, sida ay goobjoogeyaal sheegeen.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada Kenya ay dhaawaceen awoowaha iyo ayeeyada oo kala magacaaba Batuulo Maxamuud oo 60 sano jir ah iyo Hilowle Cabdullaahi Nuur.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this