Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo raali-geliyey Mareykanka bar cidlo ahna uga tegay DF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Go’aankii dowladda federaalka ay taageerada ugu muujisay Sacuudiga – oo wajahaya cadaadis ka dhashay suxufiga lagu waayey qunsuliyadda dalkaas ee Istanbul – Iskama iman. Wuxuu daba socday silsilado qoraallo ah oo ay maalmahan ay is-weydaarsadeen Sacuudiga iyo Mareykanka.

13-kii bishan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa taleefishinka CBS u sheegay in ciqaab aag uu marin doono Sacuudiga haddii ay ku caddaato in la dilay Jamal Khashoggi oo aan la arag tan iyo markii labadii bishan uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Ayaga oo ka fal-celinaya hadalka Trump – Madaxweynaha dalka ugu dhaqaale awoodda badan dunida – ayaa suuqyada saamiyada dunida waxaa hareeyey walaac laga qabo Sacuudiga, waxaana taasi ay dhalisay in qiimaha shirkadaha Sacuudiga ay hoos u dhacaan 7% ama ay lumiyaan 35 bilyan oo dollar.

Sacuudiga oo dareemay halista dhaqaale ee soo food saartay ayaa jawaab adag siiyey Mareykanka, ayaga oo ku goodiyey inaysan u dul-qaadan doonin in la waxyeeleeyo dhaqaalahooda, islamarkaana “dhibaato gaartay dhaqaalaha boqortooyada uu saameyn doono dhaqaalaha dunida oo idil”

15-kii bishan, xukuumadda Soomaaliya, oo u muuqatay in si la mid ah dowlado badan oo Carbeed ama dhaqaale ahaan liita, lagala soo hadlay Riyadh, ayaa qortay war-saxaafadeed ay ku sheegtay inaysan ogolaan doonin in la handado oo la waxyeeleeyo dhaqaalaha Sacuudiga.

Dadka la socda siyaasadda Bariga Dhexe, waxa ay durba dareemeyn in hadalka Soomaaliya – inkasta oo aan cidna lagu magacaabin  uu si toos ah ugu socdo Mareykanka. Yeelkeed’e Mareykanka war Soomaaliya kasoo baxay macno sidaas ah uma lahan, haddii uusanba Soomaaliya wax ka heleyn.

Ma ahayn markii ugu horreysay oo Soomaaliya ay sidan oo kale ay dagaal diblomaasiyeed ugu qaaday dal galbeed ah. Waxay sidan oo kale u dhalleeceysay dalka Canada markii ay is-qabteen Sacuudiga.

Kadib jawaabtii ay siiyeen Mareykanka, Sacuudiga waxaa la xumaaday bayaankii ay soo saareen, waxaana durba safaaraddooda Mareykanka ay soo saartay qoraal u muuqday inay ku raali-gelineyso Mareykanka, kuna muujineyso in qoraalka aan Mareykanka loogu hanjabeyn.

Sacuudiga waxa ay ogyihiin dantooda, iyo inaysan isku taagi karin Mareykanka, oo hadda uu hoggaamiyeo madaxweyne fudfudud oo aanay diblomaasiyad hagin, haddii uu caroodana wax kasta ay ka suurto-galaan.

Waxaa su’aashu marka ay tahay, Soomaaliya ma taqaan danteeda? Soomaaliya ma u babac dhigi kartaa Mareykanka? Maxaa Soomaaliya kasoo galaya inay Mareykanka duulaan diblomaasiyeed ku qaaddo, ayada oo difaaceysa Sacuudiga. Soo hadda Sacuudiga dantiisa gartay oo Mareykanka raali-geliyey Soomaaliyana cidlo uga dhaqaaqay.

Soomaaliya waxay Sacuudiga taageeri kartaa – haddii ay daacad iyo danaysi ka tahay – Ayada oo ana cid kale u gefin. Midda kale, marka Soomaaliya ay Sacuudiga ku difaacday weriyaha la la’yahay, waxay sidaas sameysay dhowr maalmood kadib markii loo doortay xubin ka mid ah guddiga xuquuqda aadanaha QM. Guushaas weyn waxay kusoo dhoweysay inay difaacdo dilka suxufi lagu xadgudbay xuquuqdiisa, noloshiisa, oo la dilay kadibna hilibkiisa la jarjaray, sida la tuhusan yahay.

Maxaa Soomaaliya u diiday inay qoraalkeeda ku gaabsato “Waxaan soo jeedineynaa inaan go’aan lagu deg deign inta la helayo caddeymo buuxa oo ku saabsan in suxufiga lagu dhex-dilay qunsuliyadda, inta ka horreysana aan la waxyeeleyn dhaqaalaha iyo danaha dalka Sacuudiga”

Qoraalka noocaas ah waxba kama haleeyeen Soomaaliya, waxba uma dhimeyn dal kale, Sacuudigana wuu la dhici lahaa. Waxaase muuqata in qoraalka wasaaradda Soomaaliya laga soo qoray Riyadh ama hagayo sal-fudeed siyaasadeed.

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronta, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this