Sign in to follow this  
Deeq A.

Goobjoog Oo Heshay War-murtiyeedka Shirka Wasiirrada OIC Ee Ka Dhici-doono Muqdisho, Akhriso

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda xiriirka ee ka tirsan ururka OIC ayaa la werinayaa in kulan heer wasiirro ay ku qaban doonaan magaalada Muqdisho 27 October 2018,  kulanka oo xoogga lagu saarayo nabadda, dhismaha dowladnimada iyo sidii xasilooni iyo dimoqoraadi looga hirgelin lahaa Soomaaliya ayaa waxaa Villa Somalia u matalaya wasiirka arrimaha dibadda, iyada oo golaha ammaanka loogu baaqi-doono inay cunaqabateynta hubka gebi ahaanba ka qaadaan Soomaaliya.

Haddaba, War-murtiyeedka ay Goobjoog Heshay Waxuu U Qornaa:

Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya waxaa looga baaqi-doonaa inay ixtiraamaan midnimada, xasiloonida iyo bad-qabka dhulka Soomaaliyeed halka beesha caalamka laga rabo inay aragti mideysan oo siyaasadeed ka qaataan arrimaha Soomaaliya.

Waxaa lagu soo dhowyn-doonaa heshiisyada taariikhiga ah ee ay wada gaareen dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada gaar ahaan kuwa ku saabsan nooca iyo qaabka doorashada 2020-ka, qeybiga kheyraadka ee lagu gaaray magaalada Baydhabo June 2018, kuwaas oo qeyb ka ah horumarka nidaamka siyaasadeed ee federalism iyo hab maamul oo joogta ah.

Waxaa ammaani-doonaa horumarka laga gaaray dib u heshiisiinta Soomaalida dhexdeeda ah, amniga iyo xasiloonida, kobaca dhaqaalaha iyo matalaadda la siiyey haweenka, raga iyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa lagu bogaadin-doonaa dowladda federaalka ah, ciidamada xoogga dalka, ciidamada AMISOM ee military iyo booliisba horumarka ay gaareen amniga iyo xasiloonida.

Kooxdan waxaa ay golaha ammaanka ugu baaqi-doonaan in ay si buuxda cunaqabateynta hubka uga qaadaan Soomaaliya, si loo dedejiyo dhismaha hey’adaha amniga ee Soomaaliya.

Kooxda waxaa cambaareynayaan  Al-shabaab iyo in waxyeellada ay wadaan ay ka hor imaaneyso dhambaalka Islaamka ee ka tarjumaya nabadda, dhex-dhexaadnimada iyo xormeynta qiimaha nolosha.

Kooxdan waxaa ay soo dhoweyn-doonnaan natiijada kulankii Brussels 16-17 July 2018 kaas oo ka dhashay shirkii London iyo qaar kale oo Muqdisho ka dhacay, shirka oo ay ka qeyb galeen ururka Iskaashiga Islaamka waxaa uu beesha caalamka ugu baaqay inay kaalin ka qaataan sidii loo xaqiijin lahaa horumar.

Kulanka waxaa dalalka xubnaha ka aha ururka iskaashiga Islaamka(OIC) iyo hey’adaha lacagta loogu baaqi-doonaa inay kordhiyaan taageerada banii’aadnimo ee la siinayo NGO’ska iyo goobaha tabaaleysan.

 Kulanka waxaa lagu soo dhweyn-doonaa in xafiiska OIC ee Soomaaliya loo badalo mid lagu hormarinayo siyaasadda iyo arrimaha dhaqan-dhaqaale, qeybna ka qaato sidoo kale dib u heshiisiinta.

Kulanka waxaa loogu hambalyeyn-doonnaa  dalalka xubnaha ka ah OIC ee safaaradaha ku leh Muqdisho, waxaana sidoo kale loogu baaqayaa dalalka kale ee aan weli safaarad ku laheyn inay soo dedejiyaan sidii ay safaarad uga furan lahaayeen magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntii, kulanka waxaa uu ugu baaqi-doonnaa dowladaha xubnaha ka ah ururka, hey’daha maaliyadda, ururrada NGO’ska ee dalalka Islaamka iyo kaalmo degdeg ah gaarsiiyaan qaxootiga iyo barakacayaasha, oo ay ku jiraan dalalka qaxootiga marti-geliya iyo xukuumadda Soomaaliya.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this