Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Xasan Sheekh “Dowladda Farmaajo hal way igaga wanaagsan tahay, labana way igaga liidataa”

Recommended Posts

Deeq A.   

London (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey idaacadda VOA, isaga oo ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha iyo xisbi siyaasadeedkii uu dhowaan sameystay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda madaxweyne Farmaajo ku dhaliilay arrimo badan, sida amniga, khilaafka maamul goboleedyada iyo qaabka ay u wajahday xiisadda Turkiga iyo Sacuudiga ee ka dhalatay weriyaha la la’yahay.

Madaxweyen Xasan Sheekh ayaa sheegay in marka uu qiimeeyo dowladda Farmaajo ay dowladdiisa kaga liidato dhinaca sugidda amniga iyo qaabka ay u wajahday iyo sida ay ula macaamisho maamul goboleedyada, balse waxa uu sheegay inay kaga wanaagsan tahay kobcinta dakhliga dowladda usoo xarooda.

Amniga Muqdisho ayuu sheegay inuu ku xiran yahay amniga gobollada ku xeeran, wuxuuna shaaca ka qaaday in ayada oo aan Al-Shabaab laga sifeyn labada Shabeelle, aysan Muqdisho ammaan noqon doonin.

Mar uu ka hadlayey xisbiga uu dhowaan sameystay ee UPD, waxa uu sheegay inuu la mid yahay xisbiyada kale ee dalka laga sameeyey, islamarkaana ku dhawaaqista xisbi aanu macnaheedu ahayn inuu olole doorasho billaabay.

“Dalka waxaa ka socda diiwaan-gelinta xisbiyada, qof walbana waxa uu la yimid weelkii uu wax ku shuban lahaa, markii Xasan Sheekh xisbi sameystay maxaa loo yiri olole ayuu billaabay, kuwii kaleba lama dhihinee” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Hoos ka dhageysoi wareysiga

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/564fe025-7712-44ea-ad5e-0f4b0d965613_48k.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this