Sign in to follow this  
Deeq A.

“Xalinta Khilaafaadka Galmudug Waa Mas’uuliyadeenna Dastuuriga ah”, Senatorrada Cabdi Dhuxulow(Dhagdheer) Iyo Yusuf Ugaas(Dhagey)

Recommended Posts

Deeq A.   

Senator Cabdi Axmed Dhuxulow(Dhagdheer) Iyo Senator Yusuf Geelle Ugaas(Dhagey) oo ka jawaabayey eedeyn uu shalay u soo jeediyey madaxweynaha Galmudig Axmed Geelle Xaaf ayaa qoraal ay warbaahinta soo gaarsiiyeen ku sheegay in war-saxaafadeedka Mr. Xaaf aanu waafaqsaneyn xaqiiqda dhabta ah ee jirta iyo shuruucda dalka, laguna marin habaabinayo shacabka Galmudug, iyaga oo intaasi raaciyey in war-saxaafadeedka uu si toos ah ugu xad-gudbey xasaanadda iyo sharafta mas’uuliyadeed ee aan mudneyn sida ku cad qod 78-aad ee dastuurka federaalka ah.

Labada Senator oo sii hadlaya waxaa ay yiraahdeen “ waxaynu ka mid aheyn wafdi uu u diray golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya dowlad goboleedla Galmudug isaga oo gudanaya xilka dastuuriga ah ee ku qeexan qod 61aad(1)  (3) ee dastuurka federaalka ah si ay kaalin dhex-dhexaadin ah uga qaataan khilaafka Galmudug iyo khilaafka u dhaxeeya dowlad goboleedka iyo xukuumadda federaalka ah”.

Qoraal Senatorrada oo sii socda ayaa ku xusnaa “Marna ma aqbaleyno in xilka mas’uuliyadeed ee Senatorada golaha aqalka sare la siyaasadeeyo, waxaynu had iyo jeer u taagan nahay in aan dhamaeystiro kaalintii dhex-dhexaadin ee aynu ka wadnay xal u raadinta khilaafka  ka dhex aloosan hey’adaha dastuuriga ah ee Galmudug.

Ugu dambeyntii Senator Cabdi Axmed Dhuxulow(Dhegdheer) Iyo Senator Yusuf Geelle Ugaas(Dhagey waxaa ay qoraalkooda ku soo gabagabeeyeen “waxaynu ugu baaqeynaa mas’uuliyiinta Galmudug in ay ku xaliyaan wixii khilaaf ah ee  jira wada hadal, isfaham iyo isu tanaasul iyo in  mar  kasta la ilaaliyo loona hoggaansamo dastuurka Galmudug, dastuurka federaalka ah iyo shuruucda kale ee dalka”.

Qoraal-ka Senatorada waxaa uu jawaab u ahaa war-saxaafadeed shalay ka soo baxay xafiiska madaxweyne Axmed Geelle Xaaf, kaas oo  lagu sheegay in ay maalmahan ay bilaabatay abaabul hor leh oo looga gacan haatonayo xildhibaannada baarlamaanka Galmudug ee hore inay tagaan magaalada Cadaado, ayagoo adeegsanaya qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirrada, baarlamaanka iyo senatarada federaalka ah sida: Wasiir Axmed Qoroor, Xildhibaan Xuseen Iidow, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow(Dhegdheer) Iyo Senator Yusuf Geelle Ugaas(Dhagey) ayagoo waqti iyo hanti gelinaya si ay u bur buriyaan heshiiskii ASJ iyo Galmudug, una abuuraan  xiiso hor leh oo wax loogu dhimayo xasiloonida siyaasadeed iyo midda amni ee Galmudug.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this