Deeq A. Posted October 17, 2018 Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ah oo joogay isgoyska Zoobe, ee KM5 ee magaalada Muqdisho ayaa saaka waddada ka xirtay Mahad Salaad oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyaga oo ka hor istaagay inuu shaqada aado. Xildhibaan Mahad Salaad oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in isaga oo marayey isgoyska KM5 qoryo lagu qabtay, markii uu isku sheegayna loogu jawaabay ‘agaasime ayaa celinay ee xildhibaan muxuu yahay”. Xildhibaanka waxaa uu intaasi raaciyey in muran kadib uu mid ciidamadii ka mid ahaa uu qoray kula dhagay mid ka mid ahaa ilaalada xildhibaanka, kadibna ay xabado halkaasi ka dhaceen, intaas kadibna ay saraakiil ciidamada ah u yimaadeen. “Saraakiishii timid waxaa ay noo sheegeen inay xeri-doonaan 2-bada askari, ninkii diiday in aan meesha marno iyo ninkii midka ilaadada ahaa qoriga kula dhagay, laakin waan ka war sugeynaa” sidaasi waxaa yiri, Xildhibaan Mahad Salaad. Golaha shacabka uu xildhibaan Mahad ku sii-jeeday waxaa uu maanta lahaa kulan caadi ah, ajendaha ayaa ahaa akhrinta hindise sharciyeedka bar-tilmaameedsiga cunaqabateynta hubka iyo qeybinta hindise sharciyeedka waxkabadalka sharciga hanti-dhowraha guud ee qaranka, akhrinta 2aad Dhinaca kale, waxaa saaka la xiray jidadka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho, iyada oo gaadiidka loo diiday inay jidadka isticmaalaan, sababta ayaa aheyd imaatinka ay Muqdisho yimaadeen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Itoobiya Dr Workneh Gebeyehu iyo Eritrea Cusman Saleh. Goobjoog News Source: goobjoog.com Quote Share this post Link to post Share on other sites