Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa runta sheegaya: DF oo war ka duwan Mareykanka ka soo saartay duqeyntii lagu laayey SHABAABKA

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa war ka duwan kan Mareykanka kasoo saartay weerar ka dhacay meel u dhow magaalada Xarardheere oo lagu laayey maleeshiyada Al-Shabaab.

Milatariga Mareykanka ayaa shalay sheegay in duqeyntaas lagu dilay 60 ka mid ah dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab, taasi oo ah duqeyntii ugu dhimashada badneyd ee muddo sanad ah lala beegsado Al-Shabaab.

Si kastaba sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la hadlay VOA ayaa sheegay in khasaraha gaaray Shabaabka uu intaas aad uga badan yahay, islamarkaana weerarka lagu dilay 117 dagaalyahan oo Shabaab ah

Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay in weerarka uu ka dhacay deegaanka Jowle oo 20 KM Koonfur Galbeed ka xiga Xarardheere.

Dhinaca kale, bayaan kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in qiimeyn ay sameeyeen lagu ogaaday in dadka shacabka aanu wax khasaare dhimasho ama dhaawac ah kasoo gaarin weerarka.

Waa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee Mareykanka ay la beegsadaan Al-Shabaab tan iyo 21-kii November ee sanaddii 2017, markaasi oo 100 Al-Shabaab ah lagu dilay duqeyn ka dhacday gobolka Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this