Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin shaaca ka qaaday hab cajiib ah oo Al-Shabaab ay ula dagaalanto MUSUQ MAASUQA dhexdeeda ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Habka maaliyadeed ee kooxda A-Shabaab waa mid adag oo nidaamsan, ayna adag tahay in musuq-maasuq ama xatooyo lagu sameeyo, sida ay leedahay daraasad uu sameeyey machadka daraasaadka amni ee Hiraal ee magalada Muqdisho.

Inta la ogyahay waxaa jira kaliya hal kiis oo qof ka tirsan Al-Shabaab uu la baxsaday lacag, lacagtaas oo ahayd $2800.

Hanti-dhowarayaasha Al-Shabaab ee degmooyinka, kuwaas oo lacagta laga soo ururiyo jidgooyinka loo keeno, ayaa waxaa la marsiiyaa baaritaan aad u xooggan ka hor inta aan la shaqaaleyn.

Waxa ay shaaca ka qaadaan dhammaan wixii hanti ah ee ay horey u haysteen, sida dhul, baabuur iyo lacag caddaan a. Marka shaqadii ay hayeen joojiyaan ama laga beddelo, ayaa haddana mar kale ay caddeeyaan hantidooda. Hanti kasta oo dheeri ku ah middii ay shaaciyeen markii la shaqaaleynayey, waa lagala wareegaa.

Hanti-dhowrayaasha Al-Shabaab oo bsihii ay gacantooda kusoo dhacdo lacag gaari karta 50,000 oo dollar ayaan awoodin inay Al-Shabaab lacag kala baxsadaan dhowr sabab dartood.

Midd koowaad, waxaa 24 saac isha ku haya xubnaha Amniyaatka ama sirdoonka. Xafiiskiiba waxaa joogaa illaa 4 sarkaal oo Amniyaat ah. Waxaa intaas dheer xubno kale oo Amniyaat ah oo aysan ka war-hayn oo daawada dhaqdhaqaaqyadooda. Sidoo kale, laba bil oo kasta waa la beddelaa ama loo diraa fasax.

Si la mid ah lacagta caddaanka ah, Zakada soo gasha Al-Shabaab ayaa waxaa xaqiijiya oo caddeeya dhinacyo kala duwan, kuwaas oo hubiya inay ku dhacdo bankiyada Al-Shabaab.

Dhammaan talloobooyinkan waxa ay xaqiijiyaan in musuq-maasuq uusan ka dhex-dhicin hanaanka maaliyadeed ee Al-Shabaab, islamarkaana aysan hanti-dhowrayaashooda ku dhiiran xatooyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this