Sign in to follow this  
Deeq A.

Doonyo ay lahaayen Al-Shabaab oo la gubay & kuwo kale oo gacanta lagu dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe) ayaa sheegay in ciidamada xoogga ay burburiyeen Doomo ay lahaayen Al-Shabaab.

Indha qarshe, ayaa sheegay in howlgalka lagu burburiyay Doomaha Al-Shabaab uu ka dhacay degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

General Indha qarshe, waxa uu cadeeyay in Doomaha la burburiyay ay ahaayen dhowr xabo kuwaa oo Shabaabka ay isticmaalayen howlaha badda.

Nuqul kamid ah haddalka indha qarshe ayaa ahaa “Waxa ay sameysteen Doonyo yar yar, oo biyaha ay uga kala gudbaan, doonyihii qaar waan gubnay qaarna gacanta ayaan ku dhignay”.

“Al-Shabaabka waxay mar walba dhibaateeyaan shacabka beeraleyda ah, balse annaga kama yeeli doono arrintaasi, hawlgalada waxay ka socdaan qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka”

Waxa uu intaa raaciyay “Waxaan dhawaan isku furnay wadooyin badan oo horey Shabaab ay go’doomiyeen”.

Haddalka Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe), ayaa kusoo beegmaya xili ciidamadu ay laba jibaaren hawlgalada ka dhanka ah Al Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this