Deeq A. Posted October 17, 2018 Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xiray saakay qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo loo diidayo iney isticmaalaan gaadiidka dadweynaha. Wadada Makka Al-mukarrama iyo sidoo kale jidadka gala wadadaasi ayaa loo diidayaa iney isticmaalaan gaadiidka dadweynaha. Shacabka ayaa la arkayaa iyaga oo lugeynaya wadada dheer ee Makka Al-mukarrama, iyadoo aan la ogeyn sababta loo xiray waddooyinkaan. Maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiisha ammaanka Muqdisho kama aysan hadal xiritaanka waddooyinka, gaarahaan Makka Al-mukarrama iyo nawaaxigeeda. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites