Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo weerar uu Somalia ka fuliyey ku dilay 60 ka mid ah Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday Soomaaliya lagu dilay 60 ka mid ah dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab, taasi oo ah duqeyntii ugu dhimashada badneyd ee muddo sanad ah lala beegsado Al-Shabaab.

Taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in duqeynta ay jimcihii ka dhacday magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in qiimeyn ay sameeyeen lagu ogaaday in dadka shacabka aanu wax khasaare dhimasho ama dhaawac ah kasoo gaarin weerarka.

Waa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee Mareykanka ay la beegsadaan Al-Shabaab tan iyo 21-kii November ee sanaddii 2017, markaasi oo 100 Al-Shabaab ah lagu dilay duqeyn ka dhacday gobolka Hiiraan.

Milatariga Mareykanka ayaa sanadkan Soomaaliya ka fuliyey in ka badan 20 weerar, oo qaarkood lagu fuliyey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drone-ka, waxaana lala beegsaday dhammaantood kooxda Al-Shabaab.

Warka kasoo baxay Mareykanka ayaa imanaya ayada oo 14-kii bishan ay Soomaaliya xustay qaraxii ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya iyo Afrika oo 14-ka October 2017 lagu dilay 600 oo shacab ah, markii gaari xamuul ah uu ku qarxay isgoyska KM 5 ama Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this