Sign in to follow this  
Deeq A.

New York Times: Bin Salmaan ayaa dilay Khashoggi balse wuxuu dejiyey xeelad cajib ah oo uu isku furto

Recommended Posts

Deeq A.   

Riyadh (Caasimada Online) – Jariiradda laga leeyahay dalka Mareykanka ee New York Times ayaa qortay inuu Dhaxal Sugaha dalka Sacuudiga Mohamed Bin Salman doonayo inuu Mas’uuliyadda dilka Qoraaga Jamal Khashoggi dusha kaga tuuro Madaxa Mukhaabaraadka Dalka Sacuudiga.

New York Times ayaa sheegtay in Maxamed Bin Salman uu amray in lasoo dilo qoraagaan oo si weyn uga soo horjeeday Siyaasadda Sacuudiga, isla markaasna uu hayey sir badan oo ku saabsan Reerka Maamulo dalkaas.

New York Times ayaa qortay in Boqortooyada ay si weyn u difaaci doonto Dhaxalsuge Maxamed Bin Salman iyadoo kiiskaan dusha looga tuuro doono saaxiibkiis Khalid bin Ali Al Humaidan oo ah Madaxa Sirdoonka dalka Sacuudiga.

Sidoo kale Boqortooyada ayaa sheegi doonto in Qoraagaan Safaaradda dhexdeeda lagu dilay labadii Bishaan October ayna aheyd shil dhacay isla markaasna uusan ku talagalka aheyn in la dilo.

New York Times oo wareysatay qof xog ogaal u ah warbixinta ay soo saari doonto Dowladda Sacuudiga taasoo lagu qaldi rabo ra’yul caamka ayaa sheegay in warbixintaan lagu sheegi doono inuu dilkaas u dhacay qaab aan ku talagal aheyn xilli lagu guda jiray howgalka uu soo amray madaxa Sirdoonka Sacuudiga.

Illo wareedka xogta siiyey New York Times ayaa sheegay inuu Dhaxalsugaha ogolaaday Baaritaanka lagu sameeyey Safaaradda ay Sacuudiga ku leedahay Istanbul isla markaasna ay madaxda ugu sareeyo dalkaas ku heshiiyeen in Kiiskaan laga wareejiyey Maxamed Bin Salman loona wareejiyo Khaalid.

Kiiskaan Qoraagaan ayaa gaaray heerkii ugu sareeyey waxayna Mas’uuliyiinta Turkiga sheegeyn inay hayaan cod ka kooban 11 daqiiqo oo muujinaya in suxufiga la la’yahay ee Sacuudiag Jamal Khashoggi lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul.

Sarkaal la hadlay taleefishinka Al-Jazeera oo magaciisa qariyey ayaa sheegay in codka ay hayaan aan laga dhex-helin saacadda Apple Watch, sida suuqa ku jirta, balse si kale uu kusoo gaaray.

Dhinaca kale sarkaal kale oo Turkish ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in caddeymaha ay hayaan ee dilka Khashoggi ay la wadaageen dalal ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Sacuudiga.

Taxliilin coded oo ay sameeyeen booliska dalka Turkiga ayaa waxaa lagu ogaaday in dadka ka dhex-hadlaya codka ay ku jiraan saddex nin oo la rumeysan yahay inay yihiin Sacuudiyiin iyo codka suxufi Jamal Khashoggi oo la dilayo.

Arrinta shakiga weyn dhalisay ayaa ah Shaqaalaha qunsuliyadda ka shaqeynayey oo maalintii la dilayey Jamal Khashoggi shaqada laga fasaxay 11:30 AM, halka Jamal uu ballansanaa inuu yimaado 1:00 PM.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this