Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Carwadii ugu Horeysay ee Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada oo Muqdisho Laga Furay

Recommended Posts

Deeq A.   

Carwadii ugu horreysay ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyada dalka ayaa maanta ka furantay magaalada Muqdisho,  taas oo soo bandhigeysa horumarka ay bulshadeenu ka sameeyeen isgaarsiinta iyo teknoolojiyada.

Carwadan waxaa loogu talo galay inay noqoto dhacdada ugu weyn ee ay ku kulmaan dhammaan daneeyeyaasha isgaarsiinta iyo teknoolojiyada dalka, sida shirkadaha isgaarsiinta, internet-ka, shirkadaha sameeya website-yada iyo barnaamijyada, fikradaha cusub ee dhinaca Teknoolojiyada, jaamacadaha bixiya aqoonta ICT iyo hay’adaha dawladeed ee ka shaqeeya isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Waxaa carwadan dhinaca farsamada ka caawinaya Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada.

Carwadan oo ay ka qeybgalayaan in ka badan 60 shirkad, jaamacad iyo hay’ad dawladeed, waxaa lagu soo bandhigay badeecadaha iyo adeegyada ay iibiyaan, waxayna fursad u helayaan siddii ay isku baran lahaayeen, iskuna kaashan lahaayeen, Carwadan oo dadweynaha u furan 16ka iyo 17ka Oktoobar, subaxii 9ka subax illaa 5ta galabtii, waxay dadweynuhu sidoo kale ka qeybgali karaan aqoon-isweydaarsiyo, iyaddoo sidoo kale lagu guuleysanyo deeqo waxbarasho iyo agab kale sida laptop, talefoonnada gacanta, internet modems, iwm.

Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Md. Jamaal Maxamed Xasan, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay horumarka la taaban karo ee ay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintu ka sameysay dhinacyada ansixinta sharciga, aasaasitaanka Hay’adda Isgaarsiinta, astaanta internetka, isaggoo sheegay in xogta ay ururiyeen ay muujineyso in Soomaaliya horumar muuqda ay ka sameyneyso isgaarsiinta iyo teknoolojiyada.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in Wasaaraddu taageereyso bandhigyada noocan oo kale ah, maadaama ay u xilsaaran tahay inay jiheyso, oo isku xirto, bahda isgaarsiinta iyo teknoolojiyada.

“Dhamaan ka qeyb galayaasha waxa ay fursad u heli doonaan in ay isku bartaan, wada ganacsadaan, la socodaan howlaha dowladda, sidoo kalena ay muuqato cudadda iyo xoogga suuqa isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka,” ayuu yiri wasiirka.

Ras’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda, Md Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo carwada si rasmi ah u furay ayaa sheegay in isgaarsiinta iyo teknolojiyadu gaareen meel aanay cidina ka maarmi oo nolosheena ka mid ah, Wuxuu intaas ku daray in carwadan ay soo bandhigi doonto wajiga kale ee Soomaaliya ay leedahay.

car.jpg car1.jpg car2.jpg car4.jpg car6.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this