Sign in to follow this  
Deeq A.

Intee ayey miisaaniyadda AL-SHABAAB la eg tahay sidee loo qarash gareeyaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu qoray machadka daraasaadka amni ee Hiraal, Xafiiska maaliyadda Al-Shabaab waxa ay lacagaha u qeybiyaan Saddex: Saadka, raashinka, shidaalka iyo wixii la midka ah: Sida xaaladaha deg degga ah, kuwaas oo lagu qarash gareeyo hoggaanka Al-Shabaab laguna badbaadiyo: Qeybta u dambeeysa waxaa la siiyaa xafiisyada wasaaradaha ee gobolada halkaas oo qoondada lagu sameeyo.

Gobolada qaniga ah waxa ay isticmaalaan waxa ay rabaan waxa ayna inta ugu badan ku qarash gareeyaan xarumaha dhexe ee Al-Shabaab; sida deegaanada faqriga ah, tusaale Mudug iyo Galgaduud oo aan iska bixin karin qarashaadkooda, waxa ay taageero ka helaan xarumaha dhexe.

Madaxa xafiis walba waxa uu lacagaha lagu bixiyo hawlgalada socda ka helaa xafiiska maaliyadda ee heer gobol. Hase ahaatee, waxyaabaha deg degga ah waxaa laga qaadayaa gudoomiyaha gobolka, oo loo yaqaan madaxa Wilaayada. Waxaa xiiso leh, lacagaha deg degga ah bil walba waxa ay dhaafaan intii loogu talagalay, waxaana loo dhiibaa madaxa deegaanka haddii la adeegsado iyo haddii kaleba.

Lacagaha deg degga ah oo ka bilowda bil walba $3,000 ilaa iyo $10,000 waxaa loo adeegsadaa qaab deeq ahaan oo la siiyo madaxa xafiisyada heer gobol. Waxaa laga tusaale qaataa in gobol walba xafiiskeeda uu isticmaalo $7,000, sanad walba waxaa markaa ku baxa xafiis walba oo gobol $502,000 taas oo ka dhigan $4.5mn in ay ku baxaan sagaalka gobol ee ay maamulado ka dhisan yihiin.

Kooxda waxa ay qarashaad badan ku bixisaa qorista dagaalyahanada oo uga baxa qaab mushaar.  Dagaalyahanada lugta/ifentariga waa raqiis, waxa ay helaan lacago ka bilowda $30 bishii halka xaasaskooda ay helaan $30 kale oo dheeri ah halka $20 la siiyo halkii cunug ee uu dhalay. Iyaga oo leh 5,000 oo dagaalyahanno shaqeeya hadda, waxa ay lacagta mushaar ahaan uga baxda ka dhigeysaa sanadkii $3 milyan halka $3.6 milyan ay uga baxaan raashin, taas waxaa dheer in dagaalyahan walba maalintii helo $2.

Sirdoonka Al-Shabaab yaa hela mushaarka ugu badan, waxa uuna ka bilowdaa $200 bishii, waxaa u dheer dhaqaale kale oo lagu kabo haddii ay ka hawl galaan deegaan cadaw. Qarashaadka ku baxa waxaa sanadkii lagu qiiyaasaa $1.5 milyan, sida ay ku ogaatay Hiraal dhaq dhaqaaqooda.

Sidaas oo kale, taliyeyaasha iyo madaxda xafiisyada waxaa la siiyaa $200 bishii halka uu mushaarkooda ka bilowdo $400 oo lagu saleeyo xilka ay hayyaan, waxa ay isku darka noqoneysaa $11 sanadkii.

Isku darka qarashaadka Al-Shabaab ee sanadkii ee gobolada waxa uu noqonayaa $23.6 milyan iyada oo aan lagu darin qarashaadka uga baxa rasaasta iyo walxaha qarxa.

Sida ay hubka ku helaa Al-Shabaab ayaa hawl adag waxa ayna u baahan doontaa cilmi baaris kale. Hase ahaatee,  daraasaddan owgeed, waxaan ku qiimeynay in aysan $2 milyan sanadkii ka badneyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this