Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogo dheeraad ah oo wali laga helayo baaritaanka kiiska dilka Khashoggi & Sacuudiga oo shaacin doona go’aankiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu wali kasoo baxayaa dil la sheegay in loo geystay Weriyaha u dhashay dalka Sacuudiga ee lagu magacaabi jiray Jamal Khashoggi.

Dilka Jamal Khashoggi ayaa ka dhex dhacay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee Turkiga, waxaana lasoo sheegayaa in maalinta uu dhacaayay dilka la fasaxay gabi ahaan howlwadeenada Qunsuliyada.

Howlwadeenada Qunsuliyada ayaa xiligaa laga mamnuucay in amar la’aan ay soo galaan xarunta oo ay ka soctay howlgalka lagu dilaayay Jamal Khashoggi.

Warar kala duwan oo saaka ay daabacayaan Jaraa’idyada kasoo baxa dalka Sacuudiga ayaa qoraaya in boqortooyada ay maanta si rasmi ah u shaacin doonto dilka Jamal Khashoggi.

Sacuudiga ayaa shaacinta dilka Jamal Khashoggi ku dhiiraday kadib markii ay soo foodsaartay culeysyo kaga imaanaya reer galbeedka iyoTurkiga oo aad uga carooday qaabka uu u dhacay dilka.

Jaraa’idyadu waxa ay daabaceen in Jamal Khashoggi markiisii hore lagu khaldamay, balse uu dhintay xili lagu hayay baaritaankii ka danbeeyay xarigiisa.

Waxa ay Jaraa’idyadu qoreen in dowlada Sacuudiga ay buunbuuninta dilka Jamal Khashoggi ku tuhmayso dowladaha Qatar iyo Turkiga oo ay ku eedeysay in dagaalkooda ay u rogeen saxaafada.

Weriye magaciisa lagu sheegay Hemza oo wareysi hordhaca la sameeyay qaar kamid ah Saraakiisha danbi barista ee gacanta ku haya kiiska ayaa sheegay in Sacuudiga ay ku cadahay dilka Jamal Khashoggi.

Hemza oo ka howlgala Telefeshinka Qaranka Turkiga ayaa boggiisa kusoo daabacay in dowlada Turkiga ay dhankeeda si rasmi ah saaka ugu dhawaaqi doonto baaritaanka oo maraaya gabagabo.

Sidoo kale, Telefeshinada Al-Jazeera iyo CNN ayaa saacado un ka hor sheegay in khubarada Turkiga ee gacanta ku haya kiiska baaritaanka dilka Jamal Khashoggi uu yahay mid cad isla markaan ay Sacuudiga u harsan tahay keliya inay ku dhawaaqdo.

Taleefishinka Al-Jazeera oo kiiska Jamaal ku bixineysa juhdi ayaa xalay kasoo xigtay dacwad oogaha dalka Turkiga inay haleen caddeymo muujinaya in la dilay Jamal Khashoggi kadib markii baarayaasha Turkiga ay galeen qunsuliyadda.

Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in gudaha qunsuliyadda ay ka dhex heleen caddeymo muujinaya in Sacuudiga ay isku dayeen inay qariyaan caddeymo muujinayey in Jamal Khashaggi la dilay.

Si kastaba ha ahaatee, dowladaha carbeed iyo kuwa reer galbeedka ayaa maanta si wada jira u sugaaya in Sacuudiga uu qirto dilka Jamaal, wallow Jaraa’idku ay qorayaan in Jamaal leysku dayay in la suuxiyo si loogu qaado Riyadh, hase yeeshee uu ku dhintay howlgalka socday.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this