Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Mareykanka oo u gurmaday ciidanka DF oo la kulmay weerar culus

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta dhexe ee taliska ciidamada Maraykanka ee Africa ee magaciisa loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa lagu sheegay in ciidamada Maraykanka oo kaashanaya dawlada Faderaalka ah ee Soomaaliya ay 14-kii bishan October duqayn ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fuliyeen deegaanka Araara ee gobolka Jubbada Hoose.

Waxaana war saxaafadeedka lagu sheegay in weerarkan oo lagu dilay afar xubnood oo argagixiso ah islamarkaana hadda la qiimaynayo haddii dad rayid ahi ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen duqantaasi.

Warsaxaafadeedku waxa uu intaasi ku daray in duqayntu ay timi kadib markii ciidanka ay wada shaqaynta leeyihiin la kulmeen rasaasayn, iyadoo hawlgalkaasi oo ay hogaaminayeen Soomaalidu islamarkaana aanay ku jirin ciidamada Maraykanka.

Ugu danbayn waxa war saxaafadeedka lagu sheegay in ciidamada Maraykanku ay sii wadi doonaan dhammaan talaabooyinka ay awooda u haystaan ama haboon ee ay ku ilaalinayaan muwaadiniinta Maraykanka ah islamarkaana ay ku wiiqayaan argagixisada.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeymahan ay qeyb ka yihiin in dadaallada AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya ay wadaan ee hawlgalada wada jirka ah ee ka dhanka ah argagixisada iyo beegsashada argagixisada, xarumahooda tobabarka iyo goobaha ay ku gabadaan ee ku yaala Soomaaliya iyo gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this