Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Laba qodob xasaasi ah oo looga hadlay shirkii degdega ahaa ee u dhexeeyay Shariif Xasan iyo Wasiiradiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online)-Waxaa maanta magalada Baydhabo ee Xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed shir degdeg ah ku yeeshay Golaha Wasiirada Maamulka.

Shirka oo ahaa mid ka duwanaa kuwii hore ayaa waxaa shir guddoominayay Hogaamiyaha maamulka KG Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayay 2 qodob oo kala ah:-

1-Wax ka bedelka Amniga deegaanada Koonfur Galbeed ka hor inta aysan dhicin doorashada la filaayo.

2-In loo diyaar garoow doorashooyinka dhawaan ku soo fool leh Maamulka Koonfur Galbeed oo ay ku loolamayan musharaxiin miisaan leh.

Hogaamiyaha maamulka Shariif Xasan ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in xal degdeg ah loo helo labada qodob, waxa uuna arrin muhiim ah ku sheegay in dadka deegaanka ay gartaan wajibaadka ka saran sugida amniga.

Xasan Cabdi Maxamed (Ugaas Xasan) oo ah Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed oo shirka kadib la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in Shariif Xasan uu ku celcelshay amniga, isagoo shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyan ciidamada.

Ugaas Xasan, waxa uu tilmaamay in ciidamada amaanka laga doonaayo inay fiiro gaara u yeeshan Al-Shabaabka ku dhex jira magaalada wuxuuna ku baaqay in aad loo adkeeyo amniga inta lagu guda jiro xiliga doorashada.

Ugaas Xasan, waxa uu intaa raaciyay in 17 Bisha soo socota ee November ay dhici doonto doorashada Koonfur Galbeed,isla markaana leysla gartay in ay si wanaagsan u dhacdo.

Ugaas Xasan, waxa uu carab ***** in Hogaamiyaha maamulka Shariif Xasan uu ballanqaaday in doorashada maamulka aysan ka dib dhicin xiliga loo asteeyay.

Shariif-Xasan.jpg

Koonfur-galbeed-1.jpg Koonfur-galbeed-2.jpg Koonfur-galbeed-3.jpg Koonfur-galbeed-4.jpg 1-6.jpg Koonfur-galbeed-4-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this