Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump iyo Boqorka Sacuudiga oo isku fahmay cidda dishay Jamal Kashoqgi

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu wadahadal khadka telefoonka kula yeeshay Boqorka Sacuudiga Salman Bin C/casiis oo ay ka wadahadleen arrinta qoraaga Jamal Kashoqgi.

Trump ayaa sheegay in Boqorka Sacuudiga uu si weyn u beeniyey in Sacuudiga wax lug ah ku leeyahay ama wax ka ogyahay saxafiga la waayey, wuxuuna intaas ku daray in wadahadalka uu la yeeshay Boqorka Sacuudiga uu ka fahmay in qoraaga Jamal Kashoqgi ay dileen kooxo calooshood u shaqeystayaal ah.

Wuxuu sheegay madaxweynaha Mareykanka inuu xoghayihiisa Arrimaha dibadda si degdeg ugu dirayo Sacuudiga si uu arrinta usoo kala caddeeyo, kulamo dheeraad ahna ula yeesho madaxda Sacuudiga.

Just spoke to the King of Saudi Arabia who denies any knowledge of whatever may have happened “to our Saudi Arabian citizen.” He said that they are working closely with Turkey to find answer. I am immediately sending our Secretary of State to meet with King!

— Donald J. Trump (@realDonaldTrump) October 15, 2018

Arrintan ayaa soo baxeysa, iyadoo Sacuudiga olole ugu jiro inuu iska leexiyo tuhunka saaran ee dilka qoraaga Jamal Kashoqgi, waxaana wax lagu qoslo ku tilmaamay warkan xubno ka tirsan senet-ka Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this