Deeq A. Posted October 15, 2018 Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka kooban labada golle ee dowlada ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle. Wafdiga Ra’isul Wasaare Kheyre waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabelle, Masuuliyiin iyo saraakiil katirsan dowlada Federaalka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jowhar. Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa inta uu joogo magaalada Jowhar waxa uu xariga ka jari doonaa mashaariic kala duwan oo laga fulinayo magaalada Jowhar, waxa uu sidoo kale la kulmi doonaa Madaxda Hirshabelle. Dowlada Soomaaliya ayaa taageero iyo garab istaag u muujineysa maamulka Hirshabelle oo ka hor yimid go’aanka Maamulada kale ee dalka xiriirka ugu jareen dowlada Federaalka Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites