Deeq A.

Daawo Sawirada::Maleeshiyaadkii Ku Dagaalami Jiray Marka Oo Xabadka Is Galiyay iyo Farmaajo Oo La Hadlay,..?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay dhallinyaro qayb ka ahaa colaaddii sokeeye ee ka jirtay magaalada Marka ayaa sheegay in maanta laga bilaabo dhaqan celin loo sameeyo dhallinyaradan, si ay uga mid noqdaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida ay uga go’an tahay dhallinyaradan in ay qayb ka noqdaan geesiyaasha Soomaaliyeed ee u taagan inay Gobolka Shabeellaha Hoose ka xoreeyaan Alshabaab ee hagardaamada iyo dhibaatada joogtada ah ku haya shacabka Gobolka.

“Dowladdu waxa ay dadaal ku bixinaysaa sidii aad u heli lahaydeen waxbarasho madani ah iyo mid ciidan, si la idiinku diyaariyo mustaqbal wanaagsan oo idiin horseedaya inaad hormuud u noqotaan difaaca iyo horumarka dalkiinna iyo dadkiinna.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si qoto-dheer uga hadlay dhibaatooyinka ay shacabku ka dhaxleen dagaalladii sokeeye ee dalka soo maaray, gaar ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo sheegay in cadawga keliya ee caqabadda ku ah nolosha iyo horumarka shacabka deegaankan uu yahay nabaddiidka Alshabaab.

“Waan ka wada dharagsannahay dagaalka sokeeye dhibaatooyinka uu inoo gaystay. Waxaa laga dhaxlay dhallinyaro badan oo idinka oo kale oo dalkan wax tar u noqon lahaa in ay maanta god ku jiraan dagaal macno la’aan ahaa sartiis.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay waxgaradka Gobolka iyo guud ahaan bulshada in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan ka miro dhalinta heshiiskan nabadeed ee soo afjaray colaaddii ka jirtay magaalada Marka, una istaagaan sidii mustaqbal ifaya loogu abuuri lahaa faca soo socda.

marka-1-300x200.jpg marka-3-300x200.jpg marka-4-300x200.jpg marka-6-300x200.jpg marka-7-300x200.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.