Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo sheegatay inay xalay weerartay Marka iyo dhimashada 15 askari oo ciidanka Amisom ka tirsan

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka (Caasimada Online) – Wararka ka nagasoo gaaraya gobolka Sh/Hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in tobaneeyo askari Yugaandheys ah lagu dilay weerar gaadma ah oo Al Shabaab qaadeen.

War lagu qoray Warbaahinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Weerar wado gal ah ay ku dileen 15-katirsan Ciidamada Uganda ee ku howlgala Magaca AMISOM.

Al-Shabaab waxa ay intaa ku dareen kahor inta aan dagaalka dhexmarin Ciidamada Uganda iyo Al-Shabaab, in ay weerareen Ciidamo katirsan Dowladda.

“Ciidamada Al-Shabaab ayaa 15 askari oo katirsan Yugaandha ku dilay dagaal ka dhacay magaalada Marka, ciidamada AMISOM ayaa ku dhacay dabin kadib markii ay isku dayeen in ay dhabar jabin ku sameeyaan Ciidamada Shabaab oo xilligaas dagaal uga jiray xarumaha Ciidamada Dowladda ee gudaha magaalada Marka” ayaa lagu yiri war ay baahisay idaacadda Andalus.

Askarta Uganda ayay sheegeen in ay gurmad siinayeen Ciidamada Soomaalida ee ku sugan Hareeraha Magaalada Marka oo ay saldhigyo ku leeyihiin.

Ma jiro war kasoo baxay AMISOM oo ay ugu hadlayaan Sheegashada Shabaab ee ah in ay ka dileen Askari, sidoo kale ma jiro war kasoo baxay Dowladda Federaalka oo ay isla howlgalaan Ciidamada AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this