Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Ololaha Musharax Abuu Mansuur oo gaaray Wadamo ay kamid yihin Mareykanka iyo Ingiriiska

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimadda Online) – Musharaxa u taagan xilka Madaxweynimo ee Maamulka Koonfur Galbeed Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa wado olole aad u weyn, waxaana muuqato inuu yahay musharaxa ugu dhow inuu qabto Xilka Koonfur Galbeed.

Shiikh Mukhtaar oo markii hore heystay taageerada ugu badan ee deegaanada Koonfur Galbeed ayaa hadda u gudbay wadamo waaweyn sida Mareykanka, Ingiriiska, Koonfur Africa iyo wadamo ka kala tirsan Qaaradaha Africa iyo Australia.

Abuu Mansuur ayaa qadka Taleefoonka uga qeybgalay kulamo si weyn loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweenayey musharaxnimadiisa, wuxuuna Roobow dadweynahaas ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii loo hormarin lahaa deegaanada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale dadkii ka qeybgalay Xafladahaas ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Koonfur Galbeed inay Jaanis siiyaan dadweynaha afarta sano ee soo socoto si deegaanadaas looga dhigo  kuwa horumar gaaro taasna ay ku imaan karto in xilkaas loo dhiibo Sheekh Mukhtaar Roobow oo ay aaminsanyihiin in uu wax u qaban karo.

Shiikh Mukhtaar Roobow ayaa noqday musharaxa ugu saameynta badan Musharxiinta u taagan Xilka Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana muuqato inuu Sharif Xasan dareemayo loolan adag oo kaga imaanayo wadaadkaan ballan qaaday inuu furi doono waddooyinka xiran ee deegaanadaas isla markaasna uu Shabaab ka sifeyn doono.

Dhanka kale Guriga uu Roobow ka dagan yahay Baydhabo ayaa noqday sida Madaxtooyada Koonfur Galbeed waxaana daqiiqad kasta ku qulqulayo dadweyno farabadan, Xildhibaan, Odayaal iyo aqoonyahano rumeysan inuu yahay ninka mudan in loo dhiibo Koonfur Galbeed.

Roobow ayaa maalmihii dambe olole xooggan ka waday Baydhabo gudaheeda isagoo meelaha dadweynaha isugu imaadaan kula kulmayey qeybaha kala duwan ee Bulshada reer Koonfur Galbeed sida aad ka arki karto sawirada hoose

1a3398d9-f68a-408e-919f-6b4a10237395.jpg b8d98e10-aef6-47cd-a9d6-992f6a260dff.jpg fe735795-d49f-4604-a8e1-7dcd95b382c0.jpg 6c41a187-a66a-4f20-927b-f0534c3285b6.jpg 36fc5f2b-2542-476e-8ace-7a2ab8ca5f78.jpg 00f9914f-9fad-4cd5-8fc6-998f9c74910c.jpg 537f68ed-2bd1-48c0-848b-3770af1fecd1.jpg d59768ae-5f52-4d85-8c62-69e447221761.jpg d59768ae-5f52-4d85-8c62-69e447221761-1.j c0a03338-355a-4c14-9cc3-4f9d7ee0630c.jpg 94cff3a8-c0d2-4bf1-af27-23dd9e9cb485-1.j

94cff3a8-c0d2-4bf1-af27-23dd9e9cb485.jpg 61b74af0-9872-47eb-abab-90f5272ed7d6-1.j 61b74af0-9872-47eb-abab-90f5272ed7d6.jpg 91e5bc9e-a8fc-41f6-a901-0ce24f48a773.jpg 19cb4921-a68f-4ef4-8563-1118f91a906c.jpg 71bb98d9-c7e6-431c-b840-999e14e5e4d5.jpg fa2830eb-5876-47a7-a781-09534878b570.jpg 62ddec4e-ebb6-4b2f-8ec8-0175b1351f84.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this