Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadaha Garoowe oo laga mamnuucay xallinta muranka dhulka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga amniga gobolka Nugaal ayaa Isniinta maanta ah amarro culus ka soo saaray shir mudda laba maalmood ah uga socday magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Shirka oo ku saabsanaa amniga iyo khilaafaadka bogcadaha dhulka,ayaa lagu go’aamiyay,in gebi ahaanba gaadiidka hubaysan  laga mamnuucay magaalada Garoowe,marka laga reebo ciidanka amniga dowladda ee hawlgallada ku jira.

Go’aannada kale ee shirka ka soo baxay ayaa waxa kamid ah,in Garoowe laga mamnuucay gawaarida aan taarikada lahayn iyo kuwa isticmaalaha bacaha madow ee daboolan,islamarkaana aan la ogolayn,in qof shacab ah hub ku dhex qaato magaaalada.

Dhinaca kale guddiga ayaa amar ku bixiyay,in la banneeyo dhulka danta guud ah,sidoo kalena ay mamnuuc tahay in lagu habsado ama la calaamadiyo dhul cusub,waxaana wadayaasha gaadiidka cagafta loogu hanjabay ganaax, haddii ay calaamadiyaan dhul cusub.

Ugu dambeyntii, guddiga ayaa maxkamadaha Garoowe ku amray, in aysan geli karin dacwadaha muranka dhulka oo sida guddigu sheegeen dowladda hoose loo xil saaray.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Maxkamadaha Garoowe oo laga mamnuucay xallinta muranka dhulka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this