Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Saldhigyo ciidan & Dagaal culus oo ka socda deegaanka Deeynuunaay

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya deegaanka Deynuunaay ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo dagaal qaraaran oo u dhexeeya ciidamada Xoogga iyo Xagjiriinta Somalia ee Al-Shabaab.

Wararku waxa ay sheegayaan in dagaalka uu yahay mid leysu adeegsanaayo Hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay qasaaro kala duwan.

Ciidamada Koonfur Galbed iyo kuwa Xoogga dalka Somaliya ayaa isku dayaya inay Shabaab ka difaacaan deegaanka oo qiyaastii 20 KM u jira Magaalada Baydhabo, waxaana soo baxaaya warar sheegaya in ciidamada dowlada ay gurmadka ugu badan ka helayaan Magaalada  baydhaba iyo deegaano kale.

Dagaalka ayaa waxaa ay Al-shabaab mudo saacad ah ka hor ku qaadeen saldhig ay Ciidamada ku leeyihiin deegaanka Deeynuunaay.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka, waxaana ay wararka sheegayaan in askar dhaawac ah la geeyay Magaalada Baydhabo.

Al-Shabaab oo wata gaadiidka dagaalka ayaa ka dagaalamaya duleedka deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka weli uu socdo, islamarkaana ay muujinayaan cabsi ku aadan in dagaalka uu sii xoogeysto.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan, maadaama labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan, balse saraakiisha Koonfur Galbeed waxay tilmaameen inay dib ka faah faahin doonaan.

Sidoo kale, Al Shabaab ayaa dhawr mar weerar ku qaaday degaanka Deynuunay oo ay ku sugan yihiin Ciidan Millitari ah iyo kuwa Koonfur Galbeed, waxayna arrintaasi dhibaato ku noqotay shacabka halkaasi degan, oo cabsi ka muujinaya weerarada Shabaab.

Dhinaca kale, Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dagaalka uu waxyar ka qaboobay sidii hore isla markaana Al-Shabaab laga saaray gabi ahaan deegaanka Deynuunaa balse wali la maqlaayo rasaas.

Caasimada Online

Xafiiska Afgooye

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this