Sign in to follow this  
Deeq A.

Uhurru oo dib uga laabtay qorshe quseeya ciidamada ka jooga dalka SOMALIA

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Uhurru ayaa waxa uu hadalkaas ka sheegay munaasabad loogu dabaal dagaayay maalinta ciidanka Kenya oo lagu qabtay xerada Kenyatta oo ku taala degmada Gilgil ee Gobolka Nakuro.

Madaxweyne Uhurru waxa uu xaqiijiyay in ciidankiisa ay sii joogayaan dalka dhibaateysan ee Somalia ilaa laga soo celinaayo nabada, degnaanshaha iyo amaanka Somalia.

Uhurru Kenyatta, waxa uu sheegay in ciidankiisa ka hoos shaqeeya howlgalka AMISOM laga soo saari doonin Somalia, inta laga takhlusinayo Al-Shabaab.

“Anagu waxan Somalia tagnay 2011, waana sii wadi doona joogitaankeena dalkaasi ilaa si buuxda looga  soo celinayo amaanka guud ee Somalia” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.

Uhurru Kenyatta waxa uu ciidankiisa ku booriyay inay la shaqeeyan Hay’adaha kale xiliyada ay jirto masiibadaha iyo gurmadka.

Munaasabada ayaa waxaa ka hadlay Wasiirada Difaaca, Arrimaha dibadda, Ganacsiga caalamida iyo Taliyaha ciidanka.

Sidoo kale, haddalka Uhurro Kenyatta ayaa waxa uu burinayaa hadal uu horay u sheegay kaa oo ahaa in ciidankiisa kala soo baxaaya Somalia.

Haddalka Kenyatta ayaa u muuqday mid uu dowlada Mareykanka iyo Qaramada Midoobay uga doonaayay lacag uu ku furdaamiyo dalkiisa, waxa uuna dhowr jeer oo horay sheegay inay la baxayaan ciidankooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this