Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuska 14-ka October: 350 caruur oo Qatar ka helay ballanqaadkii ugu cuslaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa maanta kafaalo qaaday 350 ka mid ah caruurtii ku agoontowday xasuuqii ka dhacay sandkii hore Isgoyska Zoobe, kadib munaasabad ay ka qeyb galeen wasiirro, maamulka gobolka Banaadir iyo kuxigeenka safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya taas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

C/nuur Xaaji Cali Mursal oo ah madax Hay’adda Qatar ee Soomaaliya ayaa goobta ka faah faahiyay daryeelka nololeed oo ay dowladda Qadar u fidinayso agoontani.

“Hay’adda Qadar Charity halkaasi ugama harin howlihii gurmadka Qarixii Zoobe, 500 oo caruur ah ayay horey u kafaalo gaaday, kuwaasi oo ka mid ah agoontii 14 October, waxaan maanta halkani aan u joognaa in aan siino lacagihii loo balan qaaday agoontaasi, sidoo kale waxaan u sameyn doonaa daryeel nololeed waxbarashadooda, caafimaadkooda, ilaa ay ka qaan gaaraan hadii ay weynaadaan waxaan u raadinaynaa waxbarasho Jaamacadeed”. ayuu yiri Cabdi Nuur Xaaji Cali

Wasiiradii ka qeyb galay munaasabadda ayaa sheegay in dhankooda ka xukuumad ahaan dadaal u gali doonaan sidii loo garab istaagi lahaa caruurta agoonta Soomaaiyeed, waxaana ka mid ah mas’uuliyiintaasi C/laahi Xaamud wasiiru dowlaha xafiiska raiisul Wasaaraha iyo C/rashiid Axmed Maxamed Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Xukuumadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in dhamaan laga wada qeyb qaato sidii loogu gurman lahaa caruurta agoonta Soomaaliyeed, isagoo sheegay in loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto dibaatooyinka Al Shabaab.

Muddo hal sano ayaa ka soo wareegatay markii qarax bahalnimo ah uu ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay in ay agoontoobaan boqolaal caruur ah, dhacdadaasi ayaan noqotay mid dareen xanuun badan ku beertay umadda Soomaaliyeed.

1q-1.png 2q-1.png 3q.png

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this