Deeq A. Posted October 14, 2018 Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhw gaaray magaalada Marka ee xarunta Gobolka Sh/Hoose. Madaxweyne Farmaajo ayaa si weeyn loogu soo dhoweeyay magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose. Amaanka magaalada Marka ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana xiran isku socodka gaadiidka iyo dadka ee magaalada Marko. Magaalada Marko waxaa dhowaan laga saaray dhaq dhaqaaq hubeeysan ee Al-shabaab oo in muddo ah maamulayay degmadaasi. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu la kulmo guutada 14-Octobar oo ah dhalinyaro ka dhalatay kadib qarixii 14-kii Octbar maanta oo kale sanadkii 2017-ka dha dhacay Muqdisho oo iyagu halkaasi fariisin ku leh. Faah Faahin dib Puntland Post ugala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Marka appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites