Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u dambeeyay duufaantii laga digay ee xeebaha Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Gardafu’ ee Puntland,Maxamuud Axmed Caynab oo  wareysi gaar ah siiyay Puntland Post ayaa ka warbixiyay xaaladda roobabka deyrta ee degaannada gobolkaasi.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in guud ahaan gobolka Gardafu’ intiisa badan aysan ka da’in roobabka deyrta,marka laga reebo dhulka sii jeedka buuraleyda ah ee ay kamid yihiin Muudiye iyo Hursade,halkaas oo ay ka da’day hogol lagu diirsaday.

Sidoo kale mudane Caynab oo aan wax ka weydiinay duufaanta la saadaaliyay in ay gobolka ku soo wajahantahay? Ayaa sheegay in ilaa iyo haatan aysan wax dabayl iyo duufaan ah  arag,balse ay bulshada ku nool gobolka digniin ku siiyeen in ay taxaddar dheeri ah ka yeeshaan.

Wuxuu intaas raaciyay in cimilada xilligaan ee gobolka Gardafu’ ay u muuqato jawi roobaad,iyadoo dhinaca xeebaha  xiga laga arko saylaamo(madaxyo roobab meel fog ka muuqda) islamarkaana wakhti kasta roob la filan karo.

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale xusay warar laga helayo dhanka dalka Cummaan oo sheegaya in duufaantii laga cabsi qabay  ay isu’ rogtay roobab mahiigaan ah oo dabaylo aan badneyn wata.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u dambeeyay duufaantii laga digay ee xeebaha Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this