Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha ka dhashay Qaraxii Baydhabo oo cirka isku sii shareeray

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Labo qarax oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Qaraxa Koowaad waxaa fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa, waxaana uu isku qarxiyey Hotelka Bilan oo dad badan ay ku sugnaayen, halka Qaraxa labaad uu ka dhacay maqaayadda Beder.

Idaacada VOA oo xiganeysa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka ayaa sheegtay in ku dhowaad 22 qof ay ku dhinteen Qaraxa, dhowr iyo soddon kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbed Xasan Eelaay ayaa ciidamada ammaanka faray inay galaan feejignaan dheeraad ah, wuxuuna tilmaamay in lagu daba jiro raggii falkan soo qorsheeyay.

“Ciidamada ammaanka waxaan fareynaa inay feejignaan dheeraad ah sameeyaan, waxaan ku daba jirnaa raggii falkan soo maleegay, ummadda magaalada Baydhabo waxaan ka codsaneynaa inay isku gurmadaan, qaraxyadan marna ma hakin doonaan horumarka degaanada Koonfur Galbeed.”

Shabaab oo sheegtay masuuliyada qaraxyadii ka dhacay Baydhabo, waxey ku faaneen iney beegsadeen saldhig ciidan iyo hoteel uu leeyahay masuul horey uga tirsanaa dowladda Soomaaliya oo ay magaciisa ku sheegeen Fargeeti oo ka mid ah musharixiinta Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale, Ciidamada ammaanka Baydhabo ayaa wada howlgallo ballaaran oo ammaanka ay ku xaqiijinayaan, waxaana socda sidoo kale baaritaanka qaraxyadii dhacay.

Caasimada Online

Xafiiska Baydhabo

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this