Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Ciidamada oo toogatay dhagarqabe ku lug lahaa Qaraxii 14 October

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somalia, ayaa xukun dil ah waxa ay saaka ku fulisay Xasan Aadan Isaaq Cali oo lagu qabtay isaga oo wada gaari NOHA waxyaabaha qarxa ay ka buuxeen sanadkii 2017-kii maalintii uu dhacay qaraxii Zoobe.

Xasan Aadan Isaaq Cali, ayaa lagu toogtay Fagaaraha Iskuul Buluuziyo Degmada Xamar Jajab, waxaana sidoo kale lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa Xasan Aadan Isaaq Cali horay ugu xukuntay dil toogasho ah iyadoo maanta oo ku beegan xiliga xasuuqa 14 October lagu fuliyay dilka.

Waa xukunkii ugu horeeyay oo dil toogasho ah oo ay fuliso Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Somaliya, tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo xilka Madaxtinimada Somaliya loo doortay.

Qaraxii masiibada ahaa ee Zoobe ka dhacay ayaa waxaa ku nafwaayay dad kor u dhaafaya 500 ruux, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 300 ruux.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa xukuno kala duwan waxa ay ku ridaa ciidamada lagu eedeeyo dilalka iyo xubnaha Shabaab ka tirsan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this