Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo war cad kasoo saaray Qaraxii ka dhacay BAYDHABO & Amar adag oo la duldhigay Xukuumada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xukuumada Somalia amar ku siiyay in gargaar caafimaad ay la gaarto dhaawacyada culus ee dadkii ku waxyeeloobmay Qaraxii ka dhacay magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha oo tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku shahiiday weerarkan arxan darrada ah ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan qoysaska dadka ay dhibaateeyeen Al Shabaab.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Inaa Lillaahi waa inaa Ilayhi raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaska iyo ehelada ay ka shahiideen dadkii sida arxan darrada ah ay u gumaadeen argagixasada Al Shabaab. waxaan Alle uga baryayaa in uu si deg deg ah u bogsiiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaasi.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan wadashaqeynta ay la leeyihiin laamaha amniga, si looga hortago falalka amni daro ee Al Shabaab ay la beegsanayaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan Shabaab oo uu tilmaamay inay bartilmaameed ka dhigteen shacabka Soomaaliyeed, maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa si looga si feeyo guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this