Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: CC Shakuur “Anigu Qaraxii Zoobe ee October ma dhihi karo waxa uu ahaa masiibo”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka Wadajir CC Shakuur oo muuqaal uu uga hadlaayay Qaraxii 14 October soo dhigay bartiisa faceboo ayaa sheegay in weerarkaasi ay geysteen dhalinyaro Soomaaliyeed.

CC Shakuur, waxa uu sheegay in Qaraxaasi aan la orankarin masiibo waxa uuna tilmaamay in masiibo la dhihi karo dhibaato ka baxsan gacanta bani’aadamka, hayeeshee taasi ay tahay mid ay geesteen dad Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in mas’uuliyada 1,000 qof ee kudhimatay weerarka Zoobe ay qaadi doonaan waxa uu ku tilmaamay kuwa qaaday mas’uuliyada amni ee dadka dhintay.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Anigu ma ihi dadka arrintaas ku tilmaamaya masiibo, masiibo waxaa lagu qeexaa inay tahay dhibaato ka baxsan gacanta bani’aadamka, laakiin xasuuqan iyo weerarkan waxaa geystay dad Soomaaliyeed oo diin sheeganaaya oo nagu deegaan ah, mas’uuliyaduna waxaa gabay kuwii difaaci lahaa 1,000 qof ee dhintay”.

Weerarka Zoobe ayuu ku sheegay laba qodob oo kala ah:-

Mas’uuliyad ficil weerar oo Soomaali ay geysatay iyo Mas’uuliyad ay Soomaali gabtay, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu CC Shakuur carab ***** inay farxi doonaan maalinta si rasmi ah cadaalada loo horgeeyo dhamaan dadkii ku lugta lahaa weerarka oo qaarkood aan gacanta lagu heyn.

Dhibaatooyinka ceynkaan ayuu sheegay in looga gudbi karo Al-Shabaab oo laga dabar gooyo dalka, isagoo intaa raaciyay “In dad mas’uuliyada qaada uu alle dalka u bixiyo”

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA CC SHAKUUR

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this