Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: HALIS xooggan oo ku wajahan garoonka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Weeraro argagixiso ayaa laga cabsi qabaa in lala beegsado garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay ku digeen qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka safaaradaha ku leh magaalada Muqdisho.

Mareykanka iyo QM ayaa labadaba 48-kii saac ee lasoo dhaafay soo saaray digniinno xooggan oo ku saabsan in halis amni ay kusoo fool-leedahay garoonka caalamiga ah, waxayna ku baaqeen taxaddar dheeri ah.

Waxa ay shaqaalahooda u direen in marka ay ka baxayaan garoonka ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, islamarkaana fishaan in waqti dheer ah ay garoonka uga baxaan maadaama baaritaan dheer la marayo.

Hay’adaha amniga Soomaaliya ayaa sidoo kale ka war-haya halis kusoo wajahan garoonka, iyo qaraxyo ay qorshaynayaan Shabaabka, waxaana aad loo adkeeyey garoonka.

Digniinahan ayaa imanaya ayada maanta la xusayo sanad guuradii koowaad ee qaraxii 14-ka October, 2017, oo ahaa qaraxii ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya iyo Afrika. Waxaa qaraxaas ku naf waayey dad ka badan 600 oo qof.

Waxaa maanta wada xiran dhammaan waddooyinka ka ag dhow ama gala garoonka, ayada oo sidoo kale amniga loo adkeeyey xuska maalintan. Isgoyska Zoobe ee qaraxa uu ka dhacay ayaan ka fogeyn garoonka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this