Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Sidee ayuu Mukhtaar ROOBOW uga badbaaday qaraxii lala damacsanaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyadii mataanaha ahaa ee casar liiqii shalay galab ka dhacay bartamaha magaalada Baydhaba ee xarunta gobolk Baay, halkaasi oo olole doorasho ay ka socdaan.

Qaraxyada oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen 17 qof, ayada oo 50 kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay badankood ayaa ah dad shacab ah, oo ku sugnaa goobihii la qarxiyey.

Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in mid ka mid ah qaraxyada oo ka dhacay maqaayadda Badar loola dan lahaa Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Roobow ayaa degan hotelka Guuraaw ama Bayern Munich ee Baydhaba, waxaana hotel uu aad ugu dhow-yahay maqaayadda qaraxa uu ka dhacay. Ammaanka hotelka iyo meelaha ku dhow ayaa aad loo adkeeyey, waxaana la sheegay in qofka is-qarxiyey ay joojiyeen ciidamo inta uusan gaarin hotelka kadibna is-qarxiyey.

Roobow oo horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa markii uu is-sharxay waxa ay Al-Shabaab ku tilmaameen inuu yahay “murtad diinta ka baxay”

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada waxay tiri in hotelka Bilan uu leeyahay wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti, waxaana macquul ah in labada weerar lagu kala beegsanayey Roobow iyo Fargeeti.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this