Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo Xukuumada Amray in gar gaar deg deg ah loo fidiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda inay si deg deg ah gargaar caafimaad u gaarsiiso dhaawacyada culus ee sida bahalnimada leh argagixisada Alshabaab ay qaraxyo kula beeegsadeen magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha oo tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku shahiiday weerarkan arxan darrada ah ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan qoysaska dadka ay dhibaateeyeen argagaxisada Alshabaab.

“Inaa Lillaahi waa inaa Ilayhi raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaska iyo ehelada ay ka shahiideen dadkii sida arxan darrada ah ay u gumaadeen argagixasada Alshabaab. Waxaan Alle uga baryayaa in uu si deg deg ah u bogsiiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaasi.”

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan wadashaqeynta ay la leeyihiin laamaha amniga, si looga hortago falalka gurracan ee uu cadawgu ku beegsanayo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawgan bartilmaameedka ka dhigtay gumaadka iyo ciribtirka shacabka Soomaaliyeed, maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa si looga sifeeyo guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta ee Madaxweynaha 

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo Xukuumada Amray in gar gaar deg deg ah loo fidiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Baydhabo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this