Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabab oo sheegatay in ay qaraxyadii Baydhaba la eegatay hotelka musharax ka mid ah kuwa K/Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimadda Online) – War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda silsilado qaraxyo ah oo caawa maqribkii ka dhacay magaalada Baydhabo.

Al Shabaab waxay sheegtay in laba weerar ay ku beegsatay Saldhig ciidan iyo Hoteel uu lahaa Mas’uul horay uga tirsanaa dowladda Federaalka hadane ah siyaasi uu damac uga jiro qabashada xilka madaxweynanimada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Laba weerar ayay Shabaab ka fuliyeen Magaalada Baydhabo kan koowaad waxaa lagu beegsaday hotel uu leeyahay Nin lagu magacaabo Fargeeti oo ka tirsan mas’uuliyiintii soo maray Dowladda Soomaaliya hadana u sharaxnaa xilka hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed halka weerarka kale lagu beegsaday saldhig ku dhow Afar Irdoodka Baydhab” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Wararka ayaa intaas ku daraya in khasaara lixaad leh ay ka dhasheen qaraxyo is xigxigay oo gabaldhicii maanta ka dhacay bartamaha Baydhabo, goobta qaraxyado ka dhaceen waxaa gaaray ciidamo aad u farabadan oo katirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Al Shabaab waxay sheegtay in dad ka badan 20 qof oo ay kamid yihiin saraakiil caan ah ay ku dhinteen qaraxyadii Baydhabo ka dhacay, weeraradan ayaa imaanaya xilli xarunta gobolka Bay ay la ciir ciirayso siyaasiyiin xildoon ah oo u taagan xilka Madaxweynimo ee Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this