Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Gaas oo ka warbixiyay socdaal uu ku tegay Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa sabtida maanta ka soo laabtay safar mudda toban cisho ah qaatay oo uu ku tegay magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya.

Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaaray magaalada Garoowe waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee General Maxamed Abshir ku soo dhoweeyay,madaxweyne ku xigeenka Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Camey),mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda,saraakiil ka socotay madaxtooyada,maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe.

Mudane Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) oo warbixin kooban gudaha garoonka ku siiyay saxaafadda ayaa sheegay in uu Nairobi kula soo kulmay qeybaha kala duwan ee Beesha caalamka,islamarkaana uu kala soo hadlay danta guud ee soomaaliya iyo gaar ahaan danaha Puntland.

“mudda ku dhow toban beri ayan safar shaqo ugu maqnaa magaalada Nairobi. Dabcan waxan isku’soo aragnay meeshaas Beesha caalamka,qeybo kala duwan ama safaarado ha noqdaan Soomaaliya qaabilsan ama hay’adaha caalamiga ah. Dabcan waxaan kala hadlaynay waxay ahayd danta caamka ee Soomaaliya iyo gaar ahaan Puntlandba” ayuu yiri Gaas.

Wuxuu intaas raaciyay in socdaalkiisa Nairobi uu qaatay in ka badan wakhtigii loo qorsheeyay,balse uu ku soo dhammaaday arrimo guul u ah danaha Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya,inkastoo uusan faahfaahin ka sii bixin arrimahaasi.

Dhinaca kale suxufiyiinta ayaa su’aalo ka weydiiyay madaxweynaha dib u dhaca ku yimid magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka ee xulista Baarlamanka? Iyo in uu mar kale u tartamayo doorashada madaxtinimada Puntland?  balse wuxuu ku jawaabay in labada su’aaloodba aan wakhtigooda la gaarin.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Madaxweyne Gaas oo ka warbixiyay socdaal uu ku tegay Nairobi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this