Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Daacish oo billowday inay canshuur ka ururiso magaalada BOOSAASO

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Sida ay Caasimadda Online ku heshay xog lagu kalsoon yahay, kooxda Daacish-ta Soomaaliya ayaa waxa ay bilowday in ay dhammaan ganacsatada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ka qaaddo lacagta canshuurta ee ay ugu yeeraan Zakada.

Tallaabadan oo cabsi galisay bulshada iyo ganacsata Boosaaso ayaa timi kaddib markii saraakiisha Daacish ay bilaabeen In ay soo wacaan maamuleyaasha ganacsatada magaalada, iyaga oo ku amray in ay bilaabaan bixinta Zakada iyo Canshuurta.

Ganacsade ku sugan magaalada Boosaaso oo u xog warramaya Caasimadda Online ayaa sheegay in Daacish la soo hadashay kaddibna ku wargaliyeen in looga baahan yahay bixinta Zakawaad-ka.

Sida uu no xaqiijiyey ganacsadaha oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, sababo amni awgood, ma aha kaligii ee waxaa dhammaan la wada wacay ganacsata oo la siiyey isla amarkaas.

Muddooyinkan dambe waxaa gobolka Bari ku xoogeysaneysay Daacish oo saldhigyo ka sameysatay deegaano ka tirsan gobolkaas. Sidoo kale waxaa magaalada Boosaaso ka dhacay dilal dhowr ah oo koxodan ay sheegtaya

Waxaa Daacish hoggaamiya Cabdulqaadir Muumin oo ka soo jeeda beesha Cali Saleeaan, Majeerteen, Daarood, oo ah beesha ugu badan ee degta magaalada.

Kooxda Al-Shabaab oo Daacish ay ka go’day ayaa lacagta Zakada ama canshuurta ka qaadda dhammana ganacsatada dalka Soomaaliya, lacagtaas oo ay ku maal-geliyaan howl-galladooda.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this