Sign in to follow this  
Deeq A.

Digniintii u dambaysay ee dufaan ku soo wajahan Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Bari ,Yuusuf Maxamed Wacays(Dhedo) ayaa digniin ka bixiyay roobab dabaylo wata oo la saadaaliyay in ay ku soo aaddan yihiin xeebaha Puntland,gaar ahaanna gobolka Bari.

Guddoomiyaha oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa bulshada gobolka uga digay in ay taxaddar ka muujiyaan duufaannada la sheegay in ay ku soo wajahan,waxaana uu si gaar ah ugu digay shacabka ku nool degaannada xeebaha ah iyo miyiga gobolkaasi.

Mudane Dhedo ayaa sidoo kale farriin u diray maamulada degmooyinnka iyo tuulooyinka dhaca xeebaha gobolka Bari oo uu ku amray in ay bulshada ku wacyi-geliyaan khatarta duufaanaha ku soo wajahan degaannadooda ee ka imaanaysa dhinaca dalka Cummaan.

Wuxuu intaasi raaciyay in shacabka looga baahanyahay feejignaan dheeri ah,si loo yareeyo khasaaraha dabaylaha iyo roobabku sababi karaan,isagoo ku boorriyay in laga baxo meelaha godan ee u nugul duufaanta.

Dhinaca kale taliska ciidanka badda Puntland ee PMPF ayaa heegan geliyay cutubyada gaar ah ee ku sugan xeebaha,si ay u badbaadiyaan shacabka,haddii ay khatar dareemaan,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay taliska.

Maalmaha sabtida iyo Axadda ayaa la saadaaliyay in roobab duufaanno wataa ku wajahan yihiin xeebaha gobolka Bari ee Puntland,waxaana dowladdu ka soo saartay digniino is-xigay oo shacabka loogu baaqay in ay ka fogaadan meelaha duufaanta u nugul.

PUNTLAND POST

The post Digniintii u dambaysay ee dufaan ku soo wajahan Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this