Sign in to follow this  
Deeq A.

ETHIOPIA oo safiirka cusub ee Soomaaliya aqbashay + Magaciisa iyo BEESHA

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) – Safiirka cusub ee Soomaaliya ay u magacowday dalka Ethiopia Cali Shariif Axmed ayaa warqadihiisa aqoonsiga safiirnimo u gudbiyey wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu.

Aqabalaadda dowladda Ethiopia ee safiirnimada Cali Shariif ayaa timid in ka badan shan bilood kadib markii xilkan loo magacaabay, ayada oo ay saameeyeen is-beddellada siyaasadeed ee Ethiopia ka dhacay.

Safiirka cusub ayaa sida aan xog ku helnay kasoo jeeda beesha Sheekhaal ee Mogadishu Clan.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, ayada oo wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia uu carabka ku adkeeyey inuu jiro damac ah in la xoojiyo xiriirka labada dalka, si loogu guuleysto himilooyinka dadka Soomaaliyeed iyo kuwa Ethiopia.

Cali Shariif ayaa dhinaca kale ammaanay waxa uu gu yeeray xiriirka xooggan ee labada dal iyo rabitaankooda ah inay si wada jir ah u xoojiyaan xiriirka iyo wada-shaqeynta ay ka leeyihiin dhinacyo badan oo kale duwan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaca kale laga sugayaa inay buuxiso dhowr safaaradood oo ka mid ah kuwa Soomaaliya oo aan wax safiiro ah lahayn.

43878794_341308776447500_197627204382962 43760098_341308813114163_182328876619477

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this