Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhowr bilood kadib sidee ayay DFS ka yeeshay Garoomada Kubada cagta oo ay xireen Al-Shabaab?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Gobolka Banadir ayaa shaaca ka qaaday in dib loo furay qaar kamid ah Garoomadii Kubada cagta oo ay xireen xagjiriinta Somalia ee Al-Shabaab.

Garoomada la xiray ee la sheegay in dib loo furay ayaa waxaa hanjabaado u jeediyay Al-Shabaab kadib markii ay ku xireen bixinta dhaqaale.

Qaar kamid ah milkiilayaasha Garoomada ayaa horay u bixiyay dhaqaalaha ay ku xujeeyen Al-Shabaab, halka kuwa soo haray uu dib u furay maamulka Gobolka Banaadir.

Gudoomiye ku-xigeenka Gobolka Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banadir uu sugi doono amniga Garoomada Kubada cagta ee la furay.

Waxa uu Tuulax tilmaamay in Garoomada dib loo furay ay ku yaalan Degmada Yaaqshiid oo intooda badan xirnaa.

Sidoo kale, ciidanka amaanka ayuu kula dardaarmay inay sugaan amniga Guud ahaan Degmadda iyo Garoomadda ay dhalinyaraddu ku ciyaaraan.

Si kastaba ha ahaatee, amarka Al-Shabaab ayaa ka dhaqan gala dhamaan Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ay ka taliso dowlada Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this