Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Faah-faahinta 664 Shil Oo Ka Dhacay Muqdisho, 448 Ka Mid Ah Waa Bajaaj

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska ciidamada booliiska Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta nabadgelyada waddooyinka ayaa todobaadkan soo gubiyey warbixin la xiriirtay shilalkii dhacay 6-dii ee ugu horeysay sanadkan 2018-ka.

Shilalka ayaa guud ahaan waxaa ay gaareen 664 oo isugu jiray gaadiidka noocyadiisa kala duwan, oo ay ku jiraan gaari gacan iyo gaari dameer

Shilalka oo Faah-faahsan:

Bisha Janaayo waxaa dhacday 132 shil, 9 qof ayaa dhimatay, 32 dhaawac fudud, 67 dhaawac culus, khasaaraha gadiid waxaa lagu qiyaasay 141 gaari. Dadka waxaa waxyeelay hey’ado kala duwan: Booliiska 4 qof, Xoogga  hal qof, usluubta waxba, NISA 4 qof, AMISOM  hal qof, Bajaaj 80 qof, Baaskil waxba, Mooto 15 qof, Gaari Dameer hal qof iyo gaari gacan oo waxbo ah.

Febraayo: waxaa dhacday 118 shil, 6 qof ayaa dhimatay, 52 dhaawac fudud, 59 dhaawac culus, khasaaraha gadiid waxaa lagu qiyaasay 214 gaari. Dadka waxaa waxyeelay hey’ado kala duwan: Booliiska 2 qof, Xoogga  hal qof, usluubta waxba, NISA hal  qof, AMISOM  waxba, Bajaaj  92 qof, Baaskil waxba, Mooto 10 qof, Gaari Dameer waxbo  iyo gaari gacan hal qof ah.

Maarso: waxaa dhacday 94 shil, 7 qof ayaa dhimatay, 19 dhaawac fudud,  51 dhaawac culus, khasaaraha gadiid waxaa lagu qiyaasay 174 gaari. Dadka waxaa waxyeelay hey’ado kala duwan: Booliiska 5 qof, Xoogga  waxba, usluubta waxba, NISA 2 qof, AMISOM  2, Bajaaj  61 qof, Baaskil hal qof, Mooto 5 qof, Gaari Dameer hal qof   iyo gaari gacan waxbo.

April: waxaa dhacday 124 shil, 10 qof ayaa dhimatay, 54 dhaawac fudud,  46 dhaawac culus, khasaaraha gadiid waxaa lagu qiyaasay 218 gaari. Dadka waxaa waxyeelay hey’ado kala duwan: Booliiska 2 qof, Xoogga  2 qof , usluubta waxba, NISA 4 qof, AMISOM  2, Bajaaj  79 qof, Baaskil waxbo, Mooto 13 qof, Gaari Dameer 2 qof   iyo gaari gacan waxbo.

May waxaa dhacday 115 shil, 2 qof ayaa dhimatay, 29 dhaawac fudud,  47 dhaawac culus, khasaaraha gadiid waxaa lagu qiyaasay 216 gaari. Dadka waxaa waxyeelay hey’ado kala duwan: Booliiska 3 qof, Xoogga  2 qof , usluubta hal qof, NISA hal qof, AMISOM  2 qof , Bajaaj  80 qof, Baaskil waxbo, Mooto 11 qof, Gaari Dameer waxbo  iyo gaari gacan waxbo.

June waxaa dhacday 81 shil, 3 qof ayaa dhimatay,  33 dhaawac fudud,  33 dhaawac culus, khasaaraha gadiid waxaa lagu qiyaasay 152  gaari. Dadka waxaa waxyeelay hey’ado kala duwan: Booliiska 9 qof, Xoogga  3 qof , usluubta waxbo, NISA waxbo, AMISOM  hal qof , Bajaaj  56 qof, Baaskil waxbo, Mooto 8 qof, Gaari Dameer hal qof  iyo gaari gacan oo hal qof ah.

Guud ahaan:  Guud ahaan shilalka dhacay waa 664, waxaa dhintay 37 qof, dhaawac culus 222 qof, dhaawac fudud 303, khasaare gaadiid waxaa uu gaaray 1,115, booliiska waxaa ay waxyeello u geysteen 25 qof, xoogga dalka 9 qof, Asluubta hal qof, NISA 12 qof, AMISOM 8 qof, Mooto Bajaaj 448 qof, Baskil hal qof, Mooto 62 qof, gaari dameer 5 qof iyo gaari gacan 2 qof.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this