Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Cabdalla Cabdalla oo ka jawaabay xil ka qaadistii iyo darajo xayuubintii uu Farmaajo ku sameeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhowaan waxaa warbaahinta iyo baraha bulshada aad u hadal hayeen xil ka xayuubintii taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya (NISA), Cabdalla Cabdalla, oo bishii September wareegto Madaxweyne xilka looga qaaday.

Taliye xigeenkii hore ee NISA oo la waydiiyey Su’aal ku saabsan darajadii uu dhawaan ka xayuubiyey Madaxweyne Farmaajo ayaa arrintaas ku tilmaamay inay tahay Sharci darro baalmarsan Dastuurka Dalka u yaal.

Wuxuu sheegay inuusan Madaxweynaha awood u laheyn inuu darajada ka qaado isagoo arrintaas daliil uga dhigtay Qodobka  90-aad ee Dastuurka dalka u yaal kaasoo uu dalka ku hagayo Madaxweynaha la doortay ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Cabdalla Cabdalla ayaa ka dhawaajiyey in Hantida iyo Darajada ay yihiin waxyaabo uu shakhsiga si gaar ah u leeyahay isla markaasna aan qofka laga qaadi karin ilaa uu kasoo baxo go’aan Maxkamadeed oo ku saleysan fal dambiyeed qofka lagu soo caddeeyey.

Wuxuu sheegay inay markaas maxkamadda awood u leedahay inay qofka Hantidiisa iyo Darajadiisa ka qaadato balse wuxuu sheegay inaan hab raacaas loo marin darajadii laga qaaday dhawaan.

Mar la waydiyey Cabdalla Cabdalla in darajadii laga qaaday ay sabab u aheyd eedeyntii ku aadaneyd inuu banaanka u bixiyey sirta iyo xogaha Hey’adda Nabadsugidda ayuu sheegay inaysan jirin cid isaga soo dacweysay.

Taas badalkeeda wuxuu sheegay inuu isaga wax dacweeyey isla markaasna uu Taliyaha iyo Taliye xigeenlka Nabadsugidda kusoo oogay dacwad ku saabsaneyd inay xiriir toos ah la leeyihiin Ururka Al-Shabaab xiriirkaasna uu socday muddo badan.

Wuxuu tilmaamay in isagoo sugayo in dacwadda uu gudbiyey la qaado isla markaasna labadaas Mas’uul lasoo taago maxkamad isaga laga qaaday darajadii uu u hayey Qaranka  sida uu hadalka u dhigay.

Cabdalla Cabdalla ayaa hadda ku sugan Dalka Debadisa, waxaana laga qaaday Baasaboorka Service-ka uu watay markii uu Garoonka ka duulayey, wuxuuna markii dambe safarkiisa kusii watay Baasaboor Jabuutiyaan ah.

Dhageyso Cabdalla Cabdalla oo wareysi siiyey VOA

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/cabdalla-1.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this