Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Adeerkii Dilay kadib markii uu masaafeeystay Hooyadii Gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday xalay duleedka magaalada Gaal-kacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wiil ayaa dil u geeystay adeerkii qabay hooyadii kadib markii adeerka uu masaafeeystay hooyadii.

Dhacdadaan naxdinta leh ayaa waxa ay ka dhacday deegaanka Laanbaar oo dhaca duleedka magaalada Gaal-kacyo ee xarunta Gobolka Mudug dhanka Gal-Mudug.

Ninka falka dilka ah geeystay ayaa ka hor inta aanu dilin adeerkii ugu yeeray martiqaad kadib martiqaadkana uu dilay.

Allaha u naxariistee marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Dhoore waxaana uu kamid ahaa odoyaasha deegaankaasi.

Sababta uu wiilkaasi adeerkiis hooyadii qabay u dilay ayaa lagu sheegay in uu ka xumaaday masaafada uu adeerkiis masaafeeystay hooyadiis.

Lasoco Waxii kasoo kordha Puntland Post ayaa wata xireero ay la sameeyneeyso deegaanka uu falka ka dhacay wareeysi dib kala soco Insha allah

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post

The post Nin Adeerkii Dilay kadib markii uu masaafeeystay Hooyadii Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this