Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 30-ruux oo ku sumoobay Hilib ay Cuneeyn Gobolka Gal-Gaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Haraare oo 40 KM dhinaca Galbeed kaga beegan degmada Balan-bale ee Gobolka Gal-Gaduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ku sumoobay in ka badan 30-ruux oo reer mii ah.

Dadkaan oo ah reer mii ayaa waxa ay ku sumoobeen hilib geel ay cuneeyn iyaga oo isugu yimid meel alle bari ah.

1-ruux ayaa u geeriyooday suntaasi halka dad kale oo aad u badana lagu dabiibayo isbitaalada degmooyinka Balan-Bale iyo Guriceel ee Gobolka Gal-Gaduud.

Gudoomiyaha Degmada Balan-Bale ee gobolka Gal-Gaduud Jaamac Xeyle Maxamuud oo la hadlay warbaahinta Puntland Post ayaa faah faahin ka bixiyay falkaasi iyo sida uu u dhacay,

Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay ha’ayadaha samafalka iyo ganacsatada in ay caawiyaan dadkaasi la dhibaateeysan sunta.

Hoos ka dhageeyso wareeysiga waxaa wareeystay Xasan Maxamed Samatar Cowke

https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/Wareeysi-Jaamac-Xeyle-Maxamed-Gudoomiyaha-Degmada-Balanbale-PP-By-Cowke-1.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post

The post In ka badan 30-ruux oo ku sumoobay Hilib ay Cuneeyn Gobolka Gal-Gaduud appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this