Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: 875 Shil Oo Ka Dhacay Muqdisho, Sanadkaan Gudahiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Ciidanka ilaalada waddooyinka ayaa sheegay in sanadkaan ay diiwaangeliyeen ku dhowaad Kun shil oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka taraafikada Gen Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in Sagaalkii Bil ee lasoo dhaafay ay Muqdisho ka dhaceen 875 shil, waxaana 625 ka mid ah ahayeen shilalkaasi kuwo Mooto Bajaaj.

Taliyaha ayaa sheegay in sababaha ugu weyn ee shilalkan yihiin, darawallada oo aan xirfad wanaagsan lahayn iyo sidoo kale iney ku socdaan meel aan sharci ahayn.

Shilalkaasi dhacay ayuu sheegay iney geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Cod-Taraafiko.mp3 https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Cod-Taraafiko.mp3

Shil

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this