Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Gacal Casir oo ka hadlay Gudoomiyihii lagu doortay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Cali Gacal Casir oo Xildhibaano katirsan baarlamaanka Gal-Mudug ay sheegeen in xilka ka qaadeen xilkii gudoomiyaha baarlamaanka Gal-Mudug islamarkaasina doorasho shalay ka dhacday Dhuusamareeb lagu doortay gudoomiye cusub ayaa ka hadlay sida uu arko gudoomiyaha la doortay.

Cali Gacal Casiir ayaa gaashaanka u daruuray doorashadaasi isaga oo sheegay in uu isaga yahay gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Gal-Mudug doorashadii ka dhacdayna Dhuusamareeb in ay tahay mid sharci daro ah.

Cali Gacal ayaa sheegay in hadda ay wadaan qorshaha doorashada Madaxweynaha maamulka Gal-Mudug xili ay kal hore sheegeen in ay xilkii ka qaadeen Axmed Ducaale Gelle Xaaf madaxweynaha Gal-Mudug.

Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafaadka u dhaxeeya madaxda maamulka Gal-Mudug oo dhamaantood sheegay in ay xilalka iska qaadeen iyaga oo fariisimo ka sameeytay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado oo katirsan Gobolka Gal-gaduud ee bartamaha dhulka Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post

The post Cali Gacal Casir oo ka hadlay Gudoomiyihii lagu doortay Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this