Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin: Baaxadda Dhulalka ay Al-Shabaab Canshuurta ka qaaddo oo ka badan midka Dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) -Shabakadaha Dambiyadda ayaa Iran u isticmaalayaa Bar ay marto Dhuxusha Soomaaliya ee sida sharcidarada ah loo dhoofiyo taas oo Al-shabaab ay Malaayiin doolar ka sameeyaan canshuur ahaan, sida lagu sheegay Warbixin uu Qoray Guddiga la soconka Cuneqabateynta Soomaaliya oo ay aragtay Reuters.

Warbixin sanadeedka oo aan wali la daabicin ayaa waxaa ay u sheegeysaa golaha Amaanka ee QM in Dhulka iyo Nidaamka Al-shabaab ay Canshuurta kasameeyaan ay ka weeynyihiin midka Dowladda Faderaalka ah ay Canshuurta ka sameeeyso ama ka qaado.

Warbixintaan ayaa lagu sheegay inay Shabaab dhuxusha u dhuufiyaan dalka Iiraan iyadoo la isticmaalayo aqoonsiyo qaldan oo ah in Dhuxushaas lagu sameeyey dalka Iiraan.

Warbixinta ayaa sheegtay in Doomo yar yar oo lagu dhajiyey Calanka Iiraan lagu dhoofiyo Dhuxusha, waxaana Imaaraadka Carabta lagu sheegay inay tahay meesha ugu badan ee Dhuxushaas la geeyo.

“Jawaanadda Dhuxusha ah waxaa lagu qaadaa doomo yar-yar oo watta calanka Iran waxana loo dhoofiyaa Dekedda Al-Xamariya ee Imaaraadka carabta iyagoo doomahaasi isticmaalaaya aqoonsi khaldan oo ah in dhuxusha Iran lagu sameeyay” ay kooxda la socodka Cune qabateynta Soomaaliya warbixintooda ku xuseen.

Warbixintu waxay ku qiyaastay in Imaraadka Carabtu uu Dhuxusha Somaaliya ku iibsaday 150 milion oo dollar muddo sanad ah, Imaraadkana dhuxusha waxaa aad loogu isticmaalaa Karista iyo in lagu shido dhalooyinka Shiishadda laga cabo.

Dalka Iran ayey Warbxintu sheegtay in uu marin u noqday maraakiibta dhuxusha sida uuna jibiyay mamnuucistii QM ee dhoofinta dhuxusha Soomaaliya kadib markii Cuman ay adkeeysay Hanaanka Kastamyadeeda.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay Sanadkii iibka Dhuxusha ka sameeyaan ilaa lacag gaareyso 7.5 Malyan oo Dollar sida ay xustay Warbixinta.

Dhanka kal warbixintaan ayaa lagu sheegay inay Shabaab Canshuurta ka qaadaan dhul baaxad ahaan ka weyn midda ay Dowladda Soomaaliya ka qaado Canshuurta.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in shakhsi kasoo goostay Kooxdaan uu sheegay in Bar Koontarool oo 160Km Waqooyi Galbeed kaga beegan Muqdisho Maalin kasta ay Kooxdaan Canshuur ahaan ka hesho 30 Kun oo Dollar waana Wadada isku xirto Muqdisho iyo Baydhabo.

Lacagtaas ay Al-Shabaab ka sameeyaan Bartaas Koontarool ayaa la sheegay inay sanadkii tahay 10 Malyan oo Dollar taasoo ah lacag aad u badan oo kooxdaan ka saacidi karto inay weerarada sii badiyaan.

Warkaan ay Daabacday Reuters wali kama aysan hadlin dalalka Imaraadka carabta iyo Iran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this