Sign in to follow this  
Deeq A.

“Is-ballaarinta Daacish ee Muqdisho, hal arrin ayaa hor-taagan [Mana aha DF]”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Bartamihii sanadkan 2018, kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa muujisay joogitaankeeda magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow, waxayna dhistay awood joogto ah oo ay ku fuliso weeraro argagixiso, sida lagu sheegay daraasad uu sameeyey machadka Hiraal Institute ee amniga.

Inkasta oo Al-Shabaab aysan haysan awood la eg midda Al-Shabaab, gaar ahaan marka ay noqoto fulinta qaraxyada baabuur, haddana waxay muujisay inay weeraro khaarijin oo halis ka fulin karto magaalada, xitaa meelaha Al-Shabaab ay ku xooggan yihiin, sida suuqa Bakaaraha.

Warbixinta machadka Hiraal, ayaa sheegtay in hay’adaha amniga Soomaaliya ay rumeysan yihiin in caqabadda ugu weyn ee hortaagan is-ballaarinta Daacish ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay tahay kooxda Al-Shabaab, oo aysan ahayn dowladda federaalka.

Inkasta oo Al-Shabaab ay hortaagan tahay Daacish, haddana haddii ay sii waddo inay sii fogeyso beelaha diidan, niyad-jebiso dagaalyahanadeeda ajnabiga ah, ayna hogaamiyayaal badan ku lumiso duqeymaha diyaaradaha Mareykanka, waxay taas ka dhigan tahay in Daacish ay aflaxi doonto.

Dhinaca kale, haddii Al-Shabaab ay billowdo wada-xajoodyo siyaasadeed, waxay tani horseedi doontaa in xubnaha mayalka adag ee kooxda ay u goostaan dhanka Daacish.

Daacish waxa ay iminka isku dayeysaa inay xoojiso awooddeeda Muqdisho, ayada oo rumeysan in hal weerar oo ay ka fulsio caasimadda uu saameyn ahaan u dhigan yahay toban weerar oo ka dhaca Boosaaso, marka ay noqoto magaca iyo aqoonsiga ay raadineyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this